SAWIRRO: Shiinaha oo sheegay inuu gani doono ”bilo macmal” ah (Sidee u shaqeeyaan maxaa se looga faa’iidaysan doonaa?)

0

(Sichuan) 31 Jan 2019 – Shiinaha ayaa sheegay inay diyaarinayaan inay bilo macmal ah hawada u diraan sanadda 2020 si ay jidadka magaalooyinka u ifiyaan oo loo dhimo kharashaadka ku baxa.

‘Bilahan macmalka ah’ ayaa caadiyan ah Satellite-yo ururin doona iftiinka qorraxda si ay deeto habeennimadii jidadka magaalooyinka ugu ifiyaan iftiinkii ay kaydiyeen.

Wu Chunfeng – madaxa Tian Fu New Area Science Society – ayaa u sheegay China daily, “in bisha ugu horreeysa ee macmal ah Xichang Satellite Launch Center oo ku taalla gobolka Sichuan, kaddibna waxaa la diri doonaa 3 kale marka la gaaro 2022, haddii tijaabada 1-aad lagu guulaysto.”

Bilahan macmalka ah ee kaydinaya iftiinka qorraxda ayaa sanadkii Shiinaha u biirin doona adduun lacageed oo dhan 1.2 bilyan oo yuan ($170 milyan oo doollar).

Ujeedku wuxuu yahay inay ifiso dhul gaaraya 50 km oo dhinac kasta ah oo ku yaalla Chengdu oo ay ku nool yihiin ila 16m oo qof, oo ah caasimadda gobolka  Sichuan, haddii ay taasi shaqaysana waxaa Shiinaha u badbaadaysa 170m oo doollar oo korontada magaaladaasi ku baxda sanadkii.

Shiinaha oo Maraykanka iyo Ruushka iminka kula tartamaya dhanka hawada sare, ayaa maalin dhowayd sheegtay inuu dayax-gacmeed la yiraahdo Chang’e-4 oo tijaabo ah ka dejiyay “qaybta fog” ee dayaxa sare.

Hadalsame Media