XOG: Itoobiya oo SHURUUD halis ah ku xiri jirtey inay qabato taliska AMISOM (Hadda ma u fushey mise?)

0

(Muqdisho) 31 Jan 2019 – Sidii aan horay u sheegnayba, jeneraal Tigabu Yilma Wondimhunegn oo u dashay dalka Itoobiya ayaa loo dhiibey abaanduuulaha wareegtada ah ee ciidamada AMISOM, si uu u bedelo Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo xilka hayey tan iyo Jannaayo ee 2018.

Xaflad gaaban oo xil wareejin ahayd oo uu goobjoog ka ahaa Wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo sidoo kale ku magacaaban madaxa AMISOM, Francisco Caetano Madeira ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Yeelkeede, waxaa la sheegay in Itoobiya ay horay ugu yaraan hal mar u diiddey inay la wareegto hoggaanka AMISOM iyadoo taa ku xiraysa shuruud adag, taasoo ay ka diideen labadii dowladood ee tan ka horreeyay.

Weriyaha ruug caddaaga ah ee Haaruun Macruuf ayaa Twitter-ka kusoo qoray sidatan: ”Ethiopia waxay ugu yaraan hal mar horay u diiddey inay qabato taliska AMISOM haddii aysan ciidamadeeda qaar loosoo daad guraynayn agagaarka caasimadda Muqdisho, sida ay ilo la isku halleeyn karo sheegeen.”

Wuu sii hadloo wuxuu sii qoray: ”Dowladihii hore ee Somalia ayaa kula dooday inay Muqdisho horayba u joogaan tirio ku filan oo ciidamo AMISOM ah. Sumadda dalabka Itoobiya ee hore ma cadda.”

Haatan se ma cadda in shuruuddaa hore ay weli taagan tahay, in ay ka tanaasushey iyo in laga aqbalay toona.
Hadalsame Media