KHALADAADKA SIYAASADDA: Talo xumaatay & tagoog geel oo jabtay midina ma KABANTO!

0
(Hadalsame) 01 Feb 2019 – Kobtan waxa aan si joogta ah ugu soo gudbin doonnaa khaladaadkii siyaasadeed ee dhacay kuwoodii sida fiican taariikhda u galay ee illaa hadda laga shallaayo ama laga qoomamoodo.

Ujeedada aynu ka leenahay qormooyinkani waa in Madaxda hadda joogta ee mindida daabkeeda haya ay wax ku qaadasho ugu noqoto kuwa soo socdana duruus iyo casharo!

Gabay uu leeyahay nin Gabayaa ah oo Reer Buuhoodle ah oo la odhan jirey Axmed-Dirir. baa waxa ku jira; Nin anbaday halkuu Aaday way ula ekoonayde: Anigoo Arkaayaan waddada Eerigoo maray.

TUSAALAHA KOOWAAD
Siyaasadda ruuxa halmar khaldaa mar labaad ma khaldo

Professor ka mid ah macalimiintaydii Siyaasadda ayaa maalin nooga sheekeeyey meelaha ay iska shabbahaan Dhakhaatiirta, Siyaasiyiinta iyo Miina-baadhayaasha. Saddexduba fursad labaad badanaa ma laha!

Muxuu uga jeedaa macalinku?

Aqoonta qaybaheeda kale haddii wax kaa qaldamaan waad ka daba tegi kartaa, tusaale ahaan haddii aad tahay ICT engineer Haddii system ka oo dhami kaa xumaado waad beddeli kartaa, haddii aad tahay Civil Engineer oo dhisme kaa xumaado waad dumin kartaa oo toosin kartaa,haddii aad tahay Accountant oo xisaabi kaa qaldanto gacanta baabad kaga shaqayn kartaa. Haddii aad tahay Qareen oo kiis lagaa helo racfaan baad ka qaadan kartaa.

Laakiin qofka miinada ka shaqeeya haddii wax yari ka khaldamaan waa geeridiisa. Waxaabay yidhaahdaan Miinaystayaashu Qaldaa ma Qaldo. Haddii ay kaa qaldanto ku dishay mar dambena kaa khaldami mayso saa maba noolide.

Sidoo kale dhakhtarku haddii uu wax ka khaldo bukaanka waxay u badan tahay in ay sababto geeri. Sidaas si lamid ah haddii Siyaasigu wax khaldo weliba wax weyn khaldo inta badan kama dambeeyo oo wuu la dhintaa. Waaba halkii uu Abwaan Maxamuud Muxumud Fidhin ka’ lahaa; Dib u noqo haddaad odhan lahayd Ceel Dabbaal ma leh

TUSAALAHA LABAAD: Keligii Taliyuhu wuu tacab khasaaraa

Khaladka hogaaminta siyaasadeed waxa ugu weyn marka aad talada isku koobto ee aanu jirin qof aad naf wadaag tihiin: marka hoggaamiyuhu agtiisa ka fogeeyo qof ku yidhaahda; Mudane tan waynu ku jabaynaa ama inaga socon mayso, waa muhiim in aanu noqon qof la iska maamusho oo aan talada waxba ku lahayn laakiin waa in uu jiraa qof kaa joojin kara marka aad geleyso khaladka siyaasadeed ee laf jabka ah.

General Charles Hornet oo kamid ahaa hoggaankii Ciidamadii Duufaantii Saxaaraha ee 1991 kii; wuxu yidhi Saddam wuxu ahaa diktaatoor ku mamman kuna imaan la’ awoodda (mangalomania) isla markaana xukun-jecel oo ku qaatan xukunka(power maniac), iskuna wareejiyey nacamlayaal (Yes Men) waana taas ta jebisay.

Waa nimanka ku odhan kari waayey Madaxweyne dal xor ah ma qabsan karno oo sharciga adduunku inooma ogola ee inaga daa!markii dunidii oo dhami ka’hor timina odhan kari waayey madaxweyne aan ka soo baxno Kuwait ee ku raacay in dunida oo dhan ay iska dhicin karaan.

Waxa jira Xadiis Rasuulku ku yidhi; Bini Aadamka oo dhami way gefaan; laakiin kuwa ka soo laabta gefkooda baa ugu mudan.

La soco qaybaha dambe….

Waxaa Qoray: Cismaan Abokor Dubbe

Hadalsame Media