DAAWO: ”Haddii aad nasoo weerartaan waxaad nagala kulmi doontaa cawaaqib xumo ka daran middii Vietnam!” – Maraykanka oo loo digey!

0

(Caracas) 31 Jan 2019 – Madaxwaynaha Venezuela ee Nicolas Maduro ayaa shacabka Maraykanka ugu baaqay in maamulka Trump uga digaan inay ciidamadiisu cag soo dhigaan ciidda Venezuela, isagoo ku gooddiyay in fara gelin dalkiisa lagu sameeyaa ay ka darraan doonto wixii Maraykanka ku qabsaday dagaalkii Vietnam.

Farriintiisii ugu horreeysey ee ku jeedda shacabka Maraykanka, hoggaamiyaha Venezuela ayaa dadka Maraykanka ku boorriyay inay hor istaagaan in dalkiisa lagu sameeyo tacabbur millateri oo bilaa micne ah, si arrimohooda gudaha loo walaaqo.

“Haddii ay dowladda Maraykanku doonayso inay na farageliso, waa inay ogaataa inay arrintu ka darraan doonto middkii Vietnam.”  ayuu ku falax gooddiyay.

Muuqaalkan oo soconaya 4-daqiiqo, isla markaana qoraal Ingiriiska cinwaan hoosaad looga dhigay, ayaa lasoo dhigay barta rasmiga ah ee uu Maduro ku leeyahay Facebook, in yar uun kaddib markii uu Donald Trump ku eedeeyay inuu maafiyo iyo dowladda Colombia kusoo dalbaday si ay isaga u khaarajiyaan.

Maduro ayaa sidoo kale ganafka ku dhiftay soo jeedin ka timid Midowga Yurub oo ku baaqay in 8 maalmood gudohood lagu qabto doorasho deg deg ah.

Hadalsame Media