Maxay Norway aad ugu danaynaysaa SHIDAALKA Somalia? (Sawir la helay)

0

(Oslo) 31 Jan 2019 – Sida lagu daabacay Bogga Internetka ee safaarada Norway ee dalka Kenya 05/11/2018 waxaa magaalada Nairobi ka dhacay kulan aqoon korarsi lagu sheegay kaas oo dhaxmaray wafdi ka socda soomaaliya iyo saraaakiil ka socotay Norway.

Dhanka soomaaliya waxaa kulanka matalayay 30 xubnood oo ka kala socday wasaaradaha Badroolka,Maaliyada iyo kaluumeysiga doowlada federaalka iyo xubno ka socday maamul goboleedyada.

Dhanka Norway waxaa ka socday 10 xubnood oo ah qubaro iyo saraakiil ka tirsan wasaarda Badroolka.

Lama oga inay Norway ujeedka caadiyan u doonayso inay Somalia ka caawiso inay lasoo baxdo shidaalka xeebeheeda ku jira, maadaama ay arrintaa khibrad wayn u leedahay.

Yeelkeede, Soomaali badan baa isku xirta inay wax ka dhexeeyn karaan muran 2009 bilowday ee xuduud badeedka Kenya-Somalia iyo dalka Norway oo ay filayaan inay arrintaa door ku lahaan karto.

Sawirka idiin muuqda waa dadkii kulanka ka qeyb galay waxaana ka helay bogga safaarada.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media