DF ma aha inay duuliyeyaasha dalalka deriska ka ogolaato inay ku SHIIS bartaan Somalia

0

(Hadalsame) 31 Jan 2019 – Sharciyaddii ay AMISOM dalka ku timid waxaa ku xirnayd shuruud ahayd inaysan ku jiri karin wax loo bixiyay dalalka ”safka hor” oo ka kooban dalalka deriska la ah Somalia.

Yeelkeede, mar dhexdaas ah ayay iskood usoo galeen dalka Somalia, weliba waxaa dhacday inuu aad hoos ugu dhacay waxqabadkii ciidamada AMISOM tan iyo markii ay kusoo biireen dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Haddaba, waxaa jirta weerarro cirka ah oo awal kaligeed fulinaysay dowladda Kenya oo gobollada xiga iska duqeeysa iminkana ay kusoo biirtay Itoobiya oo dhanka hawada ah, kuwaasoo uu cinwaankoodu yahay in lagu bartilmaameedsanayo Al Shabaab.

Dhibaatada ay arrintani leedahay waxay tahay in ay dhibaatada ugu badani ay soo gaarayso shacabka (Collateral damage), sababtoo ah dalalka dunida ugu hormarsan dhanka tiknolojiyadda ciidanka ee sheegta in ay 99% toogtoodu saxan tahay ayaa marar badan duqeeya dad aan ahayn bartilmaameed koowaadkii.

Haddaba, sidee noqonayaa xaalka dalalkan oo isticmaalaya agab millateri oo ka dhacsan heerka caalami, kalsooni badanna aan weli lagu qabin in ay xeerin doonaan faya-qabka shacabka.

Waxaa intaa dheer, in weerarrada noocaas ihi aysan inta badan yeelanin saamaynta loo baahan yahay, sidaa darteed, waxaa DF Somalia la gudboon inay diiddo in uu dalkeedu noqdo meel ay waaya aragnimo dhanka cirka ah ku qaataan duuliyayaasha dalalka deriska ah.

Haddiiba aan la hureeyn weerar qorshaysan ee dhanka cirka ah waxaa Somalia ka wada ciidamada Maraykanka, laakiin marna sax maaha in kuwa derisku iska sameeyaan weerarro aanay cidina la soconin bartilmaameedkiisa isla markaana aan dib loo eegin natiijadooda ama aanba la caddayn karin tafaasiishiisa.

Si fudud, dan ku jirtaahi ma muuqato, waana xadgudub ka dhan ah madax bannaanida Somalia, in hawada la iska soo galo xilligii la doono iyadoon cidna waxba laga ogaysiinin.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media