Maxaa ka soo kordhay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho?

0

(Muqdisho) 29 Jan 2019 – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho maanta waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in qaraxaasi uu ka dhashay gaari ku baakinaa meel u dhow kaalin shidaal.

Goobta qaraxu ka dhacay oo aad ugu dhow dhismaha wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya iyo ex-xaruntii hore ee Baarlamaanka ayaa waxaa la arkayay qiiq iyo qolac ka baxaya goobta.

Wararka ayaa sheegaya in dab qabsaday dhismayaal u dhow kaalinta shidaalka iyo waliba qeybo ka mid ah isla kaalintaasi shidaal.

Gaadiidka dab damiska ayaa la arkayay iyagoo ku sii qul qulaya goobta wax ka dhaceen waxaana wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in holacii baxayay la baqtiiyay.

Khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxaan ayaa lagu sheegay hal ruux oo haweeney ah oo ku geeriyootay iyo dhaawaca in ka badan 4 ruux oo dhamaantood shacab ah.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaan, waxaase inta badan weerarada nuucaan ah looga bartay ururka Al-shabaab oo iyagu qaraxyo gaadiid lagu soo raro ka gaysta Magaalada Muqdisho kuwaas oo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro shacabka.

Hadalsame Media