Heerkul halis ah oo GEERI sababi kara oo kusoo socda gobollo ay Soomaalidu u badan tahay + Sawirro (Xaalad caafimaad oo kusoo wajihi karta)

0

(Minnesota) 29 Jan 2019 – Baraf mahiigaan ah oo nafta halis gelin kara ayaa lagu wadaa inuu ku dhufto gobollada Galbeedka Dhexe iyo Woqooyi Bari ee dalkaasi Maraykanka todobaadkan.

Cimiladan oo loogu magac daray Polar Vortex oo ah dhulka sare ee uu cadaadiskiisu aadka u hooseeyo ee cirifyada qaboow ee Koonfurta iyo woqooyiga adduunka, ayaa la saadinayaa inuu dadka ku dili karo daqiiqado gudohood.

Saadaasha ayaa sheegaysa in cimilada noocan ah oo durba ka bilaabatay qaybo ka mid ah Galbeedka Dhexe ay maanta oo Talaado ah ballaaran karto, taasoo ay ka walaacsan tahay hay’adda Adeegga Cimilada Qaranka ee National Weather Service oo arrintan ku tilmaamay ‘mid nafta halis gelinaysa’.

Arbacada ayaa lagu sheegay maalinta ugu darnaan karta. Gobolka ay Soomaalidu u badan tahay ee Minnesota, wuxuu heerkulku Arbacada ka dhici doonaa 30 digrii oo taban, balse dabayl aad u qaboow oo la socota oo ah nooca basbaaska ah ayaa gaarsiin karta inuu ka hooseeyo 60 digrii.

Waxay sidoo kale sidani ka dhici kartaa magaalada Milwaukee, Wisconsin, waxaana sidaa ku jabaya rikoodh la diiwaan geliyey sanaddii 1996-kii.

‘Taasi waa halis. Waxaa dhaqse kuugu dhici kara hypothermia muddo daqiiqado ama ilbiriqsiyo ah,’ ayuu yiri Brian Hurley, oo ah nin yaqaanna cilmiga saadaasha hawada (meteorologist), oo ka tirsan Rugta Saadasha Jawiga ee Weather Prediction Center.

Hypothermia waa xaalad caafimaad oo deg deg ah oo timaadda marka uu jirka insaanku deg deg u lumiyo kulka, in ka ka badan inta uu soo saari karo.

Heerkulka caadiga ah ee insaanku waa 37 C ama 98.6 F. Hypothermia waxay dhacaysaa marka uu heelkulkaagu ka hoos maro 95 F oo u dhiganta qiyaastii 35 digrii Celcius.

Hadalsame Media