Soomaalida oo Twitter-ka uga jeex jeexday Yoweri Museveni (Arag jawaabaha)

0

(Kampala) 29 Jan 2019 – Madaxwaynaha Uganda ee Yoweri Museveni ayaa isku dayey inuu ka gudbo beer miino isagoo tillaabada xadaya, balse mid ayuu ku istaagey, markii uu gooni ula baxay dalka Somalia oo uu tusaale uga dhigay dal aan dowlad dhexe oo wada gaarta lahayn.

Soomaali badan ayaa is waydiinaya sababta uu Museveni uga xishoon waayay Soomaaliya, haddiiba uu dalalka kale ka xishooday, dad kale ayaa odaygan ku sheegay mid isku dhex yaacay, isagoo beri dhowayd mar si xanaaq leh u yiri ”Yaan lay waydiinin wixii aan qaban waayay!”.

Museveni ayaa isagoo hadlaya mar uu u khudbaynayay garsoorayaasha oo ku shirayey Kampala, wuxuu sheegay hadal soo jiitey carada dadka Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa soo quftay taariikhihii Soomaaliya oo ay ku jirto inay hadda kahor dagaal ka badbaadisey Uganda oo ay is hayeen Tanzania, iyadoo weliba Somalia lagu haystey inay u xaglisay dhanka Uganda.

Waxay kaloo Soomaalidu Museveni ku dhaliileen, in waloow uusan weli adkayn nidaamka Somalia uu misna dhaamo midka uu gacanta birta ah kaligii ku xukumo Museveni.

Halkan hoose ka akhri farriimaha Soomaalida ee dhanka Twitter-ka.


Hadalsame Media