Agab keenaya inaad sii DHEGA-DHEGEEYSO haddalka qofka aad wacayso isagoon telka qaban oo muran dhaliyey + Sawirro (Shirkaddii samaysay oo ka hadashay)

0

(Cupertino) CA) 29 Jan 2019 – Agab cusub oo FaceTime la yiraahdo oo dhowaan lasoo kordhiyey ayaa dadka adeegsanaya iPhones qaab muuqaal ahaan ah loogu wici karaa iyadoo lasii maqli karo waxa ay sheegayaan, taasoo kicisay dood ku aaddan dhanka khusuusiyadda.

Agabkan, oo ay bilowgii hindiseen Apple iyo webka dib u eegista ee 9to5Mac.com, ayaa waxaa dood ka keenay dad fara badan.

Muuqaal lasoo dhigay Twitter, gaar ahaan koontada @BmManski ayaa muujinaya cilladda la socota iyo sida ay u sahlan tahay ishowing in qofka iPhone sita la dhega-dhegeeyo kahor inta uusanba xitaa telka qabanin, waxaana muuqaalkaasi sii faafiyey in ka badan 10,000 oo qof gobolka California.

Qaar ka mid ah adeegsayaasha Twitter-ka ayaa tal kusoo jeediyay in la iska tuuro agabka FaceTime ilaa inta cilladan meesha laga bixinayo.

Apple oo ah waalidka iPhone, ayaa war siisay saxaafadda Maraykanka ayaa sheegtay inay ka warqabaan cilladan dhanka iPhone ‘taasoo iminka gacanta lagu hayo barnaamij software oo lagu cusboonaysiinayo (update) oo soo baxaya dabayaaqada isla todobaadkan.’

Hadalsame Media