LAGUU QARI MARNA LAGUU QIR: Maxay dowladda Somalia ka macaashi kartaa warka Museveni?

0

(Hadalsame) 29 Jan 2019 – Museveni waa nin waashay waa hore oo hore ma ahan ruux miyirqaba. Maalin dhawayd waxa uu yiri “waan ogahay wax walba iyo waxa aan qabanaya ee reer Yugaandhow wax sheeg idin kagama baahni ee qaylada iga yareeya.”

Haddana waakan yiri “dalal badan oo aan dawlad lahayn baa jira laakiin Soomaaliya un baan idiin sheegi karaa kuwa kale arrimo diblomaasiyadeed ayaanan u sheegi karin.”

Dadka caddaanka ah ee dadka madow cunsuriyeeya laakiin xeerarka dalalkoodi ka reebeen ayaa marka ay khamriga cabbaan runta sheega oo cunsiyaddooda daboolka ka qaada. Haddaba Museveni hadalkiisu si waa u run oo dalkeennu ma leh dawlad wada maamusha, dawlad marka la qeexayana waxa shuruudaha ka mid ah in ay dhulkeeda wada maamusho. Dawladdeennu dalkeenna ma wada maamusho.

Balse Museveni muxuu dalalka kale uga xishooday oo annaga innooga xishoon waayay? Su’aashaan ayaa u dhabbagalid u baahan waayo Museveni waxa uu ka mid ahaa madaxda Afrika ee Soomaaliya aadka u la socda waliba Museveni si gaar ah ayuu u jeclaa dadka Soomaalida ah.

Hadda ka hor mar uh ka hadlayay shir Soomaali uu Kampala mu yeeshay waxa uu sheegay in beeshiisu asal ahaan Soomaali tahay.

Mar kale ayaga oo tababar millatari xiraya ayuu la yaabay 2 wiil oo Soomaaliyeed oo ciidan Soomaaliya waxbarasho u dortay ka mid ahaa askarta tababarka dhammaystayna ka mid ahaa, Museveni waxa uu halkaas ka sheegay in Soomaaliya tahay qaran wayn.

Tan kale oo la yaabka lihi waxaa weeye Museveni ciidankiisa ayaa ilaaliya madaxda Soomaaliya iyo goobaha muhiimk ah ee Muqdisho Yugaandhana lacag adag ayaa ka soo gasha hawlgalka Amisom, maxaa Museveni ku qasbay in uu sidaas u liido dawladda ciidankiisu ilaaliyaan?

Muxuu sida dawladaha kale uga xishooday xukuumadda Soomaaliya uga xishoon waayay maadaama ciidankiisu ilaaliyaan lacagna ka soo gasho?

Aniga waxa ay i la tahay in Museveni la mid yahay gaalka cad ee marka uu khamriga cabbo wax kasta oo uu qarinayay sheega. Museveni 12 sano ayaa ciidankiisu dawladeenna ilaalinayeen marka uu wax aan jirin ka soo qaado waa geddiis.

Waxaan qabaa in dawladdu si adag uga jawaabto hadalka Museveni ciidankiisana dalka ka saarta si uu u miyirsado u na ogaado gefkiisa.

Waxaase taas ka muhiimsan in uu hadalka Meseveni dawladdeenna baraarujin u noqdo oo ay si deg deg u dhisto ciidammo qaran oo awood leh.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media