GAAJO daran ma isku aragtaa adigoo dhowaan wax cunay? (Waxyaabaha keena)

0

(Hadalsame) 28 Jan 2019 – SU’AAL: Asc. Salaan ka dib. Waan idinku mahad celinayyaa dadaalka iyo waxqabadka aad bulshada u heysaan. Intaa ka dib. Waxaan rabaa in leyga jawaabo su’aashaan:

Markaan raashiin cuno waxyar ka bacdi waxaan dareemaa gaajo iyo in caloosha ay i maran tahay (within 4 or 6 minute after eating), caafimaadkeygana waa okay wax cilad ahna maqabo, marka walaalyaaloow maxey noqon kortaa arintaan?

Inaad gaajo dareentid adigoo cunno cunay waxay astaan u tahay Kacsanaanta hormoonka gaajada: hadduu hormoonka “Ghrelin” uu kacsan yahay xittaa adigoo dharagsan ama mar dhaw wax cunay waxaad dareemaysaa gaajo, waxyaabaha hormoonkaan khalkhal galiyo oo kiciyo waxaana ka mid ah:

1- Haddii cuntada aad cuntay ay ku badan tahay sokorta iyo carbohydrate-ka sida cunnooyinka loo yaqaano “Junk Foods” waxay sare u qaadaan hormoonka sokorta dajiyo ee Insulin-ta, kadibne markuu jirka isticmaalo si dhakhso ah ayuu insulin-ka u dhacaa, kadibne hormoonka gaajada ayay maskaxda soo daysaa, qofkane isla markii gaajo ayuu dareemaa, waa sababta loo yiraahdo cunnooyinkaas faa’ido caafimaad uma lahan jirka si dhakhso ahne waa loogu cayilaa maadaama qofka intuu rabo ka cuni karo isago weli gaajo hayso.

2- Hadduu jirkaagu ooman yahay ama biyaha kugu yar yihiin, qofka markuu cunnada cuno wuu sii oomaa, waxuuna dareemaa sidii qof gaajaysan.

3- Hadduu qofka ka shaqeeyo ama agjoogo meel carafta cunnadu ka dhaw dahay amaba uu arkayo sida TV-ga oo kale, qofka wuxuu dareemaa gaajo, waana arrin dabiici ah oo qofka Alle ku abuuray, waana sababta caruurta joogtada u daawado TV-yada ay gaajo uga sheegtaan.

4- Hurdo la’aantu waxay jirka u keentaa khalkhala xagga dharagta iyo gaajada ah, diraasad la sameeyay sanadkii 2016-kii ayaa arintaan lagu xaqiijiyay. halkaan ka akhriso cashar aan horay uga hadalnay dhibaatooyinka hurdo la’aantu u keento jirka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6186.0

5- Welwelka iyo niyadjabka wuuu jirka ka lumiyaa awoodda xakamaynta gaajada iyo dharagta, dadka qaar wax cunis ayay ku waashaan weliba hurdada ayay uga soo kacaan siday wax u cunaan.

6- Cudurrada qaar waxaa lala xiriiryaa gaajo siyaado sida macaanka / sokorowga taasoo ka mid ah astaamaha looga shakkiyo xanuunkaan, sidoo kale xanuunka kacsanaanta qanjirka thyroid-ka wuxuu leeyahay gaajo badan, sidoo kale dadka qaba xanuunka gaaska ee ku dhaca mindhicirrada ee “duedunal ulcer” qofka wuxuu dareemaa gaajo badan, mar walbane inuu wax cuno ayuu rabaa, meesha dadka qaba “gastric ulcer” ay gaajada u roon tahay oo haddii wax cunaan ay xanuunsadaan. faahfaahinta nuucyada xanuunka gaaska iyo waxa ay ku kala duwan yihiin ka daawo video-gaan:

7- Daawooyinka qaar iyo maandooriyaasha waxay keenaan gaajo siyaado ah, wuxuuna qofka ku walfaa wax cunista sidii qof waallan oo kale.

Talada SomaliDoc

Haddii aad dareensan tahay inuu xanuun jiro, fadlan dhakhtarka la xiriir si laguu baaro, daawane laguu siiyo.

Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga “SomaliDoc.com” oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Xigasho: SomaliDoc

Hadalsame Media