Xariif Magaalo & xaalad adag (Sheeko)

0

(Hadalsame) 28 Jan 2019 – Sacuudiga ayaan tahriib ku galay 1997di. Waxaan ku socday magaalada Jiddah, waxaan gacanta u taagtay gaari boqol iyo bunka ku socda, waana la ii istaajiyay. Sheekh weyn oo aan ku dhaaran karo in weligii aanu badar ku yaraaday leef leefin baa shukaanta u haya. Faddal yaa cabdi ayuu igu soo dhoweeyay, anigana af-carbeedka xoogaa aan masaajidka cowska naxwo ahaan uga baawsaday baa ii billaaban.

Isagii baan ku celiyay anigoo leh ” wa anta faddaltuka yaa akhii” oo aan ka wado waa dhowahay. Dhowr su’aal oo lahjad adag ah buu i waydiiyay oo markaan afka taagtaagay shib iga yiri. Qaboowga mukayfka ayaa i laqsiiyay kaniin hurdo oo bilaash ah. Hal saacba ma jiifin mar aan isleeyahay buu iga toosiyay.

Wuxuu igu dajiyey laami weyn oo malaha midki ugu weynaa dunida aan is iri. Waan argagaxay marki aan arkay gaari maraya buundo dusheyda ah, orod ayaan ku gooyay dhowr laami oo haddii aan shil ku geli lahaa aanan cidna loo raacdeen. Nin aan u maleeyay itoobiyaan oo meel luuqa iiga horyimid baa ii tilmaamay xaafad ay dhahaan kiilo sabca oo ay soomaalidu degaan. Koox dhallinyaro ah baa i soo dhoweysay labadii maalin ee u horraysay.

Maalinki saddexaad aniga iyo sakeelkayga waxaan iska xaadirinnay qaslu sayaarah ama baabuur dhaqoow. Dhowr nin oo hal qabiil isku ah baa meesha xoog ku haysta oo ka xamaasha, waabsi ayay nafta iiga qaadeen iyo in ay i giriifaan, Carabtuna kolley nama kala jeclee ayaga ayay waji yaqaaniin. Ilaa lixdii saac ayay igaga hormarayeen gaari walba oo goobta lagu soo baakimo.

Mar aan quus taaganahay baa la soo dhigay gaari kala jiidan. Durbadiiba gees baan kala maray shukumaan iyo shaambo wax loo kala garan waayo. Mar aan sheegaggi xattaa nadiifiyay baan shirka gaariga uga jeeday koofi, hadde waa koofi ciidan!

Hadde waa ciidanki dadka tarxiilayay ee marki aad is aragtaanba ay qassabka ahayd in ay kusoo qadaanqadiyaan. Alla hayaay!
Waa isku mar nixitaankayga iyo marka gacanta dhakab layga siiyay.

Kor baan u eegay oo waa sargaal xiddigo leh!
Waan u qaadan waayay oo anoo isku dhex yaacsan ku iri ” bismillaahi, salaamu calaykum yaa akhuunaa”
Inta uu qosol la dhacay buu i yiri ” igula hadal af-Soomaali!”

Amakaag iyo lama arag! U qaadan waagii anigoo xubnaha dhan ka jaraynaya ayaan iska soo jaray ” walaal ma soomaali baa tahay”

Magaciisu waa taliye yaxye, waa reer xamarki cadcaddaa ama gibil-cadka aan dhihi jirnay oo xilligi siyaad barre uu talinayay halkaas u guuray. Wuxuu ii sheegay inaan sharci samaysto sida ugu dhaqsaha badan.

Lacagtii aan gaariga ugu dhaqay inta i siiyay buu iga tagay. Sir ma qabe saabaa biyo u celshee xarfaanti kale illeen way iiga carareen meesha oo kala dhuunteen marki ay gaariga booliska aqoonsadeen.

Hadda ayay igu soo laabteen Waxay i waydiiyeen ” Yuu ahaa ninkaan ciidanka ah?”

Anigana waxaan ku iri ” Adeerkey aabbahay la dhashay baa dhalay”

Ayagoo yaaban ayay i waydiiyeen “muxuu kugu yiri?”

Anna waxaan iri ” Nin aanan adiga ahayn hadduu meeshaan gaari ka dhaqo lambarkayga soo wac ayuu igu yiri”

Maalintaas wixii ka dambeeyay aniga uun baa dadka waabsanayay.

Waa socotaa……

Waxaa Qoray: Akhwaan Xasan Jidhi

Hadalsame Media