Weerar argagixiso midkii ugu darnaa oo loo maleegay Soomaali ku nool Maraykanka (Qorshaha & qaabka looga hor tegey)

0

(Garden City, KA) 28 Jan 2019 – 3 nin oo Maraykan ah ayaa lagu xukumay 25 sanadood oo xabsi heer federaal ah, kaddib markii lagu helay dembi ah inay qarxin lahaayeen dhisme wayn oo ay Soomaalidu deggan yihiin oo ku yaalla galbeedka gobolka Kansas.

Patrick Eugene Stein iyo Curtis Allen oo kasoo jeeda Kansas iyo Gavin Wright oo reer Oklahoma ah ayaa weerarkooda u doortay dhisme wayn oo ku yaalla Garden City, oo ah magaalo yar oo ay ku nool yihiin 26,000, iyagoo bartilmaameedkooda u sababeeyay in meesha masjid ku yaallo.

“Xukunkani waa guul usoo hoyatey inta la dagaallamaysa dembiyada nacaybka ku dhisan iyo argagixisada maxalliga ah,” ayuu yiri qarreenka heer federaal ee Matthew Whitaker.

QORSHOHOODA & QAABKA LOO QABTAY

Nimankan 3-da ah ayaa qorsheeyay inay adeegsadaan hub halakayn kara dad aad u fara oo ka kooban walxaha qarxa, waxaana la ogaadey inay qoondaynta weerarkan soo bilaabeen 2016 kaddib weerarkii kalaab lagu caweeyo oo la yiraahdo Pulse, kuna yaalla gobolka Florida, sida uu weriyay KCWH.

Nimankan oo marka ay sheekaysanayaan Muslimiinta ugu yeerayay ”Baranbarooyin” ayaa sida ugu xag-jirsan uguna cadowsan u adeegsanayay erayo muujinaya jugta ay la damacsanaayeen bartilmaamoodkooda.

Hay’adda baarista dembiyada heerka Federaal oo sidoo kalena ah booliiska federaalka Maraykanka ee FBI ayaa deeto bilowday baaritaan 8 bilood ah, waxayna la socotey nimanka 3-da ah oo kulamo badan yeelanaya, kuwaasoo ay ku qaadeen tillaabooyin usii dhowaynayay weerarka sida tijaabada walxaha qarxa.

Niman dharcad ah oo kiiskooda loo saaray ayaa duubayay wada hadalkooda, si loo badbaadiyo nafta dadka aan waxba galabsan ee ay gumaadi lahaayeen, sida lagu sheegay war kasoo baxay Waaxda Cadaaladda Maraykanka oo ay FBI hoos tagto.

Markii uu soo dhowaadey waqtigii weerarka, waxay nimanku isla garteen in 4 gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu baakimo afarta jiho ee dhismahan ay Soomaalidu deggan tahay, si hubaal looga dhigo in uu dhoco qarax aad u daafad ballaaran oo uu dhismahani dhulka galo si aan qofna uga fiigin.

Stein oo ah horjoogaha nimanka ayaa deeto kulan la qaatay sargaal dhar cad ah oo FBI-da ka tirsan oo iskaga dhigay nin hubka suuqa madoow iibiya, si uu bambooyin ”uga soo gato.”.

Nimanka oo weerarkooda ugu tala galay maalintii xigtey doorashadii madaxtinnimada Maraykanka, ayaa la qabqabtay xilligaa bil ka hor, iyadoo lagu hayo wax kasta oo caddayn ah.

Soomaalida – oo Garden City u degtey wershadda hilibka baakadaysa ee halkaa ku taalla oo ay ka shaqeeyaa – ayaa soo dhoweeyay taageero maxalli ah oo ay u muujiyeen shacabka halkaa ku dhaqani.

“Fadlan, waxaan u baahan nahay nabad iyo nolol,” ayay tiri Ifrah Farah, oo xubin ka ah Jaaliyadda Soomaalida, sida uu sheegay KWCH oo la shaqeeya CNN.

 Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media