Somaliland oo Golaha Amaanka uga ashtakootey hubka la siinayo DF Somalia

0

(Hargaysa) 25 Jan 2019 – Kaddib markii weerarkii argagixiso ee lagu qaaday hoteelka DusitD2 ee magaalada Nairobi ee ay booliiska Kenya ku doodeen in hubkaa qaar ka mid ah ay horay usoo iibsatey DF Somalia, maamulka Somaliland ayaa cabasho u gudbiyey Golaha Amaanka ee QM.

Somaliland ayaa ku doodaysa in hub kasta oo Somalia la siinayo ama loogu deeqayo uu halis amaan ku yahay iyada iyo sida ay tiri dalalka deriska, sida Kenya.

Warqad la gaarsiiyay Madaxwaynaha Golaha Amaanka Francisco Antonio Cortorreal, kana timid qiblada ninka ku magacaaban Wasiir Dibadeedka Somaliland Yasin Hagi Mohammed Faratoon ayaa diiradda lagu saaray gawaari gaashaaman oo ay Qadar dhowaan siisay Somalia.

Mr Mohammed ayaa sheegay in hubka dowladda sida uu yiri loo weeciyo dhanka kooxo argagixiso iyo dembiilayaal ah “kas iyo dayacaad middii ay tahayba,” taasoo uu tillmaamay inay jebineyso qaraarka cunaqabataynta Somalia ee uu tirsigiisu yahay 2444 ee kasoo baxay QM.

Dowladda Somalia ayaa dhankeeda beenisey inay wax ka ogtahay wax hub ah oo ay leedahay oo qayb ka ahaa midkii lagu weeraray hoteelka Nairobi.

Somalia ayaa muddo 30 sano ka badan dhex muquuranaysa siyaasado iska horjeeda oo markii la micneeyo kaliya silac iyo mustaqbal xumo u keenaya shacabka Soomaaliyeed.

Hadalsame Media