Madaxwaynaha Hirshabeelle oo sheegay inay gacanta ku hayaan 16 mashruuc (Hal caqabad oo hortaagan hirgelintooda)

0

(Joowhar) 25 Jan 2019 – Madaxweynaha ismaamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa daboolka ka qaaday inay gacanta ku hayaan mashaariic fara badan oo ay degaankaasi ka hirgelin lahaayeen balse ay hal caqabadi ku hor gudban tahay.

Mashaariicdan oo u badan kuwo hormarineed isla markaana gaaraya ilaa 16 mashruuc oo ay ka mid yihiin dhismaha hay’aadka maamulkaasi iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha sida garoomada, jidadka iwm ayaa iminka u xayiran amaanka dartii.

“Waxaa jira mashaariic badan oo la doonayo in laga hergeliyo Hirshabeelle, balse qaarkood caqabado amaan ayay u socon la’ yihiin, Beledweyne Garoon diyaaradeed oo ay yeelato, waxbarasho wanaagsan iyo mashaariic kale ayaan hirgelin doonnaa sanadkan”ayuu yiri Md Waare.

Md Waare ayaa shacabka gobolkaasi ku dhaqan usoo jeediyay inay amaanka sugtaan iskana qabtaan cid kasta oo horumarkooda hor taagan.

Hadalsame Media