Gabar Soomaaliyeed oo ay arrin aysan filayni kula soo gudboonaatey Talyaaniga

0

(Roma) 24 Jan 2019 – Gabadh Soomaaliyeed oo kaamka Talyaaniga ku yaalo bannaanka looga soo saaray. Duqa magaalada Castelnuovo di Porto ayaa gurigiisa ku martigeliyey.

Mouna (Muna) Ali iyo duqa magaalada Riccardo Travaglini waxay ku kulmeen halka laga baxo ee kaamka Castelnuovo.

”Ma rabo inaan Talyaaniga ka tago, waxaan rabaa inaan rumeeyo riyadeyda waxbarasho si aan u noqdo tarjumaan.” ayay tiri Muna oo ka hadlaysey duqa magaalada Riccardo Travaglini.

Muna waa gabar 24 jir ah oo Somalia kaga soo tagtay labo caruur ah oo haatan ku nool magaalada Muqdisho, waxaana la siiyey rukhsadda ama iqaamadda bini’aadannimo, isla markaana looma badali karo sida 535 ruux loogu badalay kaamam kale.

Sharciga la siiyey ma ahan mid ay xaq ugu yeelaneyso in mar kale kaam la dejiyo iyo inay kaalmo ka hesho dowlada toona. Waxaana khasab ku ah inay kaligeed isdabarto.

Muna ayaa tiri: ”Waxaan ku shaqeeyey si mutadawacnimo ah mana fileynin in bannaanka la i dhigi doono.”

Si kastaba, waloow ay dhibban tahay misna Muna weli wey dhoola cadeyneysaa oo ma niyad xuma.

Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Cali Maxamed

Hadalsame Media