”Talada noo taallaa waa ka tiro badan sida ay TINTAYDU u tidcan tahay!” – Wasiiradda Dhaqanka Sweden oo jawaab ka bixisay dood tinteeda ka taagan

0

(Stockholm) 24 Jan 2019 – Amanda Lind waa Wasiiradda cusub ee Sweden ugu qaybsan Dhaqanka iyo Dimoqraadiyadda, balse wax todobaad ka yar oo ay xilkaa ku magacaaban tahay waxay la kulantay cambaarayn ba’an – iyadoo lagu haysto moodada ay tinteeda u firto oo ah nooca rastada. Maanta ayay su’aalahaa uga jawaabtey P3.

”Arrinta noo taallaa waa ka ballaaran tahay timahayga. Waan sii wadan doonaa inaan tintayda qaabkan u sooho.” ayay tiri Amanda Lind (MP) oo ka tirsan Xisbiga Cagaaran oo barnaamijkaa la hadlaysay.

”Muddo dheer ayaan tinta sidan u samaysan jirey, waxaana xushmad ka dhowrayaa xitaa kuwa ay moodadaasi la khaldan tahay.” ayay raacisay Amanda oo sheegtay inay rastadan lahayd tan iyo 20-jirkeedii.

”In la doodo waa muhim, yeelkeede, waa inuu ka ballaarnaadaa istiillaha tintayda.” ayay markale weriyaha xusuusisay.

Hadalsame Media