Qoys dhan oo shiirkooda dartii looga reebay dayuurad ay raaci lahaayeen + Sawirro

0

(Miami) 25 Jan 2019 – Qoys reer Detroit ah ayaa laga cayriyay dayuuradda American Airlines kaddib markii ay dhowr qof oo rakaabka ihi ka cowdeen shiirka jirkooda.

Yossi Adler, xaaskiisa Jennie, iyo gabadhooda 19-bilood jirka ah ayaa ku jirey safar guryo noqosho ah kaddib markii ay dalxiis u tageen magaalada Miami ee isla dalka Maraykanka.

Yeelkeede, intii aanay dayuuraddu duulin ayaa dibedda loosoo gelbiyay, iyadoo lagu celiyey iridda laga soo galo dayuuradda ee garoonka Miami International Airport, sida uu Adler u sheegay Local 10.

Jennie oo xaaskiisa ah ayaa sheegtay inay dhowr qof jidka ku joojiyeen si ay u waydiiyaan inay shiirayaan.

Sharikadda AA ayaa sheegtay inay reerka hoteel dejiyeen, cuntana siiyeen subixii xigeyna ay ku dareen dayuurad u qaadday Detroit.

Hadalsame Media