Wax ka ogow khilaafka Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee Itoobiya

0

(Jigjiga) 23 Jan 2019 – Wararka laga helayo Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegaya in cirka uu isku shareeray khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay hoggaanka sare dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Federaalka Itoobiya.

Xasilooni la’aan siyaasadeed ayaa saakay laga dareemayaa deegaanka Soomaalida gaar ahaan Magaalada Jigjiga waxaana Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar Cagjar labo jeer looga yeeray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Shirarka ka dhacay Addis Ababa ee dhexmaray dhinacyadan ayaa la sheegayaa inay fashilmeen oo ay ku soo dhamaadeen guul-darro. Waxyaababaha looga hadlay kulamadii Addis Ababa waxaa ka mid ahaa shaqaaqooyinka dhexmara qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada.

Madaxwayne Cagjar ayaa la sheegay in dib uu ugu laabtay Jijiga maalinimadii shalay iyadoo laga dareemayay wajigiisa carro waxaana islamarkiiba uu kulan albaabadu u xirnaayeen la yeeshay golahiisa wasiiradda.

Lama oga waxyaabaha ay ka wadahadleen isaga iyo wasiiradiisa.

Madaxweynaha dowlad-deeegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa xilkaan loo doortay bishii August ee sanadkii hore kadib markii uu dhacay nidaamkii uu hoggaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar, Cabdi Illeey.

Hadalsame Media