WENTAN’GULA: “Waa inaan Ciidamadeena kala soo baxno Soomaaliya.” Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Kenya oo ka shifay sir badan!

0

(Nairobi) 23 Jan 2019 – Hoggaamiyaha Ford Kenya Moses Wetang’ula ayaa mar kale ku celiyay baaqiisa ah in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya dib dalkooda loogu soo celiyo kadib weeraro is xig xigay oo ururka Al-Shabaab ka gaysteen dalkaasi Kenya.

Isagoo kula la hadlayay Saxaafadda xaafiiskiisa Magaalada Nairobi Moses Wetang’ula waxaa uu sheegay in hadafkii Kenya ay ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya uu ahaa inay abuurto maamul iyada u dhega nugul.

“Maamulka aan rabnay inaan ka abuurno koonfurta Soomaaliya (Jubbaland) waxa uu ahaa mid ay ku loolamayeen dowlado iyo ururo kale,” ayuu yiri Moses Wetang’ula

Moses Wetang’ula ayaa markii loo dirayay ciidamada Kenya Koonfurta Soomaaliya waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibada Kenya.

“Soomaalidu waxay noo arkaan kuwa qabsaday dhulkooda, taas ayaana keenaysa in si wanaagsan oo kale loo maareeyo amuuraha la xiriira amniga gobolka,” ayuu yiri Moses Wetang’ula.

Moses Wetang’ula ayaa walaac iyo welwel ka muujiyay weerarada argagixiso ee ka dhacaya dalkiisa waxaana uu sheegay in weeraradaasi ay ku lug leeyihiin dhalinyaro Kenya u dhalatay oo la bedelay sida uu sheegay.

Hay’addaha cadaalada dalkiisa ayuu ku eedeeyay inay ka jiifteen inay wax ka qabtaan dadka lagu xukumay ku lug lahaanshaha falalka argagixiso, sida uu yiri.

Hadalsame Media