Laacibka Gonzalo Higuain oo u duulay magaalada London (Arrin laga doonayo inuu sameeyo duhurka kahor)

0

(Milano) 23 Jan 2019 – Gonzalo Higuain ayaa wax yar u jira inuu ku biiro safka Chelsea isagoo iminka dayuurad u qaatay dhanka magaalda London oo uu uga duulayo Milano.


Weriyaha Telelombardia ee Michael Cuomo ayaa soo tweet gareeyay sawirka Higuain oo baaritaanka ku maraya garoonka Milano, kahor inta aanu dayuurad khaas ah u raacin dhanka England.

Weerarkan ay Juventus-leedahay ayaa laga sugayaa London, si uu Chelsea caafimaadka ugu maro, yeelkeede, waa in la diiwaan geliyaa duhurkii kahor si uu 31-jirkani u safan karo kulanka ay  berri Blues la yeelanayso Tottenham Hotspur ee nus-dhamaadka League Cup.

Hadalsame Media