JOWHAR: Beerista bariis nooc cusub ah oo lagu guulaystey + Sawirro (Arrin ay tahay in laga feejignaado)

0

(Jowhar) 22 Jan 2019 – Waxaa lagu guuleystay mashruuc tijaabo ah oo sida la yiri lagu ogaanayo in Bariis nooc cusub ihi ka bixi karo Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Jowhar oo horay caan ku ahaa beerista bariiska.

Waxaa soo baxaya muuqaallo qurux badan oo muujinaya bariis si wanaagsan uga baxaya beeraha u dhow magaalada Jowhar ee caasimadda gobolka Shabeellada Dhexe.

Soomaaliya ma aha dal uu ku cusub yahay dalagga bariisku waxaana jirey laba mashruuc oo rasmi ah oo uu midkood isla Joowhar ahaa, halka mid kale uu ahaa Mashruucii Bariiska Mogaambo ee gobolka Jubbada Dhexe.

Waxaa se jirta arrin ay tahay in laga digtoonaado, waana arrinta la xiriirta dalagga hide-sidkiisa la macmalo ee loo yaqaanno Genetically Modified Crops (GMC), kuwaasoo ilaa iminka la isku raacsan yahay in aanay caafimaadka u roonayn.

DF Somalia ayay mas’uuliyadda la socodka arrintaasi saaran tahay.

Hadalsame Media