Dal Yurub ah oo qaaday tillaabo aan horay dunida uga dhicin + Sawirro

0

(Luxembourg City) 22 Jan 2019 – Dalka yar ee Luxembourg ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee hirgeliya in gaadiidka dadwaynaha bilaash lagu raaco. Arrintan ayaa dhaqan geleeysa wixii loo gaaro 1-da Maarso 2020.

Dadka ayaa bilaash ku raaci doona nooc kasta oo gaadiidka dadwaynaha ah, taasoo ka dhigan in ay dowladdu kabi doonto adeegyada ay bixiyaan hay’aad isugu jira kuwa tareennada, basaska iyo kuwo kale CFL, Luxtram, AVL, RGTR, iyo TICE.

Wasiirka Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Horumarinta dalkaasi, François Bausch, ayaa xaqiijiyey in kuraasida iyo qaybaha dabaqadda 1-aad (first class accommodation) aanay ku jirin kharashaadka ay dowladdu daboolayso.

Sidaa darteed, qofkii doonaya inuu qaybahaa raaco waa inuu lacagta si iskii ah iskaga bixiyaa, si bille ama sanadle ah. Gaadiidka xuduudda ka tallaaba ayaa ku jira midka bilaashka ah.

Hadalsame Media