MUUQAAL MURUGO LEH: Waa xaaladda ugu xun ee uu wajihi karo waalid & waladkiis (Akhri)

0

(Hadalsame) 22 Jan 2019 – Waxaa dareen xanuun leh igu noqotay sheeko aan akhriyay oo leh Mr. James Nachtwey oo ah wariye sawir-qaade ah Mareykankana u dhashay ayaa sawirka hoose qaaday bishii Novembar ee sanadkii 1992-kii.

Sawirka waxaa ka muuqdo Hooyo Soomaaliyed oo ku nooleyd duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Waxaa ay hooyadan sawirka ka muuqataa ay siddaa meydka wiil ay dhashay oo gaajo u geeriyoodey.

Yeelkeede, waxaa la sheegay in hooyada lafteedu ay iyana gaajo u geeriyootay isla in yar uun kaddib markii ay kasoo guryo noqotay aaska wiilkeeda.

Waxaas oo dhami waa duruufihii ka dhashay dagaallada sokeeye ee dalka halakeeyay.

Waxaa Diyaariyay: Xuseen Sabriye.

Hadalsame Media