AC Milan oo badisa marka uu ka maqan yahay Higuain + Sawirro (Arag tirakoobka)

0

(Genoa) 21 Jan 2019 – AC Milan ayaa 2-0 uga soo badisay kooxda Genoa ciyaar goor dhowayd dhamaatay, taasoo ka dhigan in 5 kulan aan Milan laga badin kuwaasoo uu ka maqnaa Gonzalo Higuain.

Higuain ayaan ka mid ahayn laacibiinta kooxda Milan ee u safray Genoa, jeer la hadal hayo inuu qarka u saaran yahay kooxda Chelsea.

Fabio Borini iyo Suso ayaa labada gool ee guusha u ansixiyay kooxda Rossoneri oo badisay Argentine-ka la’aantii. Waxayna la micne tahay in Milan ay badisay 5 kulan, laba kalena ay barbarro gashay, hal kulanna aan laga badin marka uu ka maqan yahay 31-jirkan.

Waxaa dheer in Milan ay 10 gool dhalisay kulamadaasi, waana celcelis sarreeya oo ciyaartiiba waa 2 gool ka badan.

Hadalsame Media