Iiraan oo sheegtay in la gaarey xilligii ay Yuhuudda ka ”masixi lahayd” oogada dhulka + Sawirro

0

(Tehraan) 21 Jan 2019 – Madaxa ciidamada cirka Iiraan ayaa sheegay inay Tehraan diyaar u tahay inay “wajahdo” isla markaana “tirtirto” Israel. Wuxuu warkiisu kusoo beegamayaa jeer ay Yuhuuddu duqaysay bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya oo ay ku dileen 11 askari.

Sarreeye Guuto Aziz Nasirzadeh, oo ah Taliyaha Ciidamada Cirka Iiraan (IRIAF), ayaa warkan u sheegay saxafiyiinta dada yar ee dalkaasi, sida ay baahisay warbaahinta dalkaasi.

“Dhallinyarada ciidamada cirku waxay sugi la’yihiin inay ka hor tagaan Sahyuuniyadda oo ay ka tirtiraan wejiga dhulka” ayuu ku gooddiyey. “Jiilkeenna mustaqbalku waxay iminka baranayaan aqoonta loo baahan yahay maalinta lagu ballamay in la baabi’iyo Israel,” ayuu yiri.

Hadalsame Media