Ciidamada Kenya oo markale burburiyay xarun ay leedahay Hormuud & DF Somalia oo weli ka aamusan + Sawirro

0

(Dhuyac-Garoon) 21 Jan 2019 – Wararka naga soo gaaraya dhanka gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay ku dhowaad markii 10-aad gubeen xarun ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee degaanka Dhuyac–Garoon oo ka tirsan degmada Salagle ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa la sheegay inay xarunta ugu tageen hal qof kaasoo ay goobta ka saareen, kahor intii aanay ku dhaqaaqin burburin qorshaysan oo ay goobtaa ku qaadeen.

Waxay sidaa ku burburiyeen dhismihii, lalisyadii, anteenadii iyo agabkii kale ee goobta yaalley oo idil, iyagoo adeegsanaya miinooyin iyo walxaha qarxa.

Waxaa beri dhowayd sidan oo kale loo gubey xaruntii Calibuley oo 6 maalmood kahor la burburiyey, waxaana kasii horreeyay xarumihii: Diif, Dhuyac-garoon, Geriley Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale maqan adeeggii EVC Plus.

Waxaan arrintan juuq ka dhihin dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland oo aan marna ka hadal meel ka dhacyadan qorshaysan ee ay geysanayaan ciidanka Kenya oo sheegta inay Somalia u yimaadeen Nabad Ilaalin, kana mid ah AMISOM.

Hadalsame Media