Nin iyo xaaskii oo iyagoo ”selfie” iska qaaday ka dhacay buur 800 oo cagood ah + Sawirro (Sababta)

0

(California) 19 Jan 2019 – Laba shakhsi oo caan ka ah baraha bulshada kuna sugnaa gobolka California ayaa kasoo dhacay fiiq 800 oo cagood ah oo la yiraahdo Tafta Point kana tirsan buuraha Yosemite.

Sida ay xaqiijisay waaxda baarista maydadka ee degmada Stanislaus County Coroner, ayaa muujinaysa in Meenakshi Moorthy, 30 jir, iyo ninkeedii Vishnu Viswanath, 29 jir, ay aalkolo ka dhergeen kahor geeridooda.

Waxay sababsadeen dhaawacyo halis ah oo ka gaarey madaxa, qoorta, xabadka iyo ubucda kuwaasoo gaarey markii ay buurta kasoo dheceen, sida ay faafisay Mercury News.

Lamaanahan oo u dhashay dalka Hindiya kuna noolaa California ayaa geeriyoodey xilli ay selfie iska qaadayeen sida uu xaqiijiyey wiilka dhintay walaalkii Viswanath oo la hadlay Associated Press.

Hadalsame Media