WAYDOOW – Duuliyihii Soomaaliyeed ee hawada lagu qabtay misna baxsaday + Sawirro (Diiwaankii 77)

0

(Hadalsame) 19 Jan 2019 – Duuliye Weydoow wuxuu ku dhashay degmada Buuloburde isagoona wax kusoo bartay Ruushka. Wuxuu ahaa xeeldheere gedgediya Miigga waxa uu hawada ku qori jiray magaca Soomaaliya iyo xarfo kale.

Dagaalkii ithobiye 1977 waxaa uu bur buriyay dhufeeysyadii xabashida ee ugu cuslaa, waxaana hawada ku qabtay diyaaradaha dagaalka itoobiya oo garbaha ka galay xili uu rabay in uu garaaco talis ku dhawaa Addis Ababa. Raadiyaha itoobiya ayaa laga baahiyay in ay Soomaalida ka qabsadeen Miig 17 iyo duuliyihii waday.

Durba Xabashidii ayaa bilawday damaashaad Waxayna ku amreen in uu ku dego Debrezeyit Airport. Markuu hubsaday in ay cagaha dhulka saareen kuwii galbinaayay ayna ridi karin gantaaladooda ayuu xaweere ugu duulay Hawada asagoo marba dhinac u rogaya miiga si aan loola helin Rasaasta.

Ciidankii dhulka ee garoonkaas ayaa ku hurgufay sawaariiiq iyo lidka diyaaradaha. Waxa uu sii duqeeyay taliskii ciidanka waxa uu ka dagey Jabuuti shidaalns ka qaatay.

Xili ay murugo kujiraan madaxdii qaranka ayuu gacanka kala hadlay. ”Haloow waa duuliye Weydoow oo ku guda jira shaqadii qaranka.” Waxaa lala ilmeeyay farxad. Alalaaska ayaa is qabsaday xarumaha Gaashaandhiga iyo Afisiyooni intaba.

Duuliye Sare Cabdulaahi Weydoow waxaa la siiyay BILLADDA Dagaalka iyo Geesinimada ee dahabka ah, geesi qaran ee ciidankii libaaxyadii Afrika waxa uu geeriyooday 1984-kii.

Duuliyihii Afrika duuliyihii mucjisada cirka, waxaa codsan jiray in ay arkaan duuliyeyaal caalami ah iyo madaxdii imaan jirtay Soomaaliya waxaa codsaday in ay arkaan maxaabiis laga qabtay Itoobiya iyo maamulkii Mingiste waana loo diiday inay arkaan.

Waxaa Diyaariyay: Cabdiqaadir Jiijiile

Hadalsame Media