Kenya & warqaadka New York Times oo ay ka tafatay (Maxaa la isku haystaa maxaan se ka baran karnaa?)

0

(Nairobi) 19 Jan 2019 – Wargeyska New York Times, oo lugu heeysto sawiro qaraxii hotelkii Kenya oo uu faafiyay.

Gollaha Warfaafinta Kenya (MCK), ayaa ka codsatay wargeyska in uu cudur daar ka bixiyo faafinta muuqalo aan munaasib aheyn oo uu faafiyey. Wargeyska ayaa faafiyey labo qof oo mayd ah oo yaalla makhaayada hoteelka ee weerarka ka dhacay.

Haddaba maxaa laga baran karnaa arrimahan? Maxase la gudboon kuwa sheegta weriyeyaasha soomaalida, ee muuqaalada aan munaasibka aheyn had iyo goor kula soo carara baraha bulshadda iwm?

Sideese loo heli karaa hey’ad warbaahineed oo xilligan adag dhowrta karaamada muwaadinka Soomaaliyeed kolka ay soo wajahaan xaalado adag sida falalka aragaxisada, tacadiyada, shilalka iwm oo aan xaquuqda dadnimo loogu xad gudbin?

Weriyeyaasha Soomaalida ayaa iska sawira wax kasta kaddibna ku baahiya webabka iyo baraha bulshada iyagoon ka fikirin qiyamka, akhlaaqda, mas’uuliyadda iyo sharciyadda arrintaasi.

Waxaa Diyaarisay: Ikraam Cali Kaar

Hadalsame Media