RASMI: Garoon caalami ah oo loogu magac darayo Maxamed Cali Kalaay + Sawirro

0

(Louisville) 17 Jan 2019 – Feeryahankii geeriyoodey ee Muhammad Ali Kalaay ayaa mar sheegay in “waxgalnimadiisu ay ka timid kana bilaabantay magaalada Louisville.”

Iminka wuxuu magaciisu noqon doonaa magaca ugu horreeya ee ay dalxiisayaashu isha ku dhuftaan marka ay magaaladaadi soo ballaayeen ee ay kasoo degaan gegada magaalada.

Maamulka magaalada ayaa iminka ku dhawaaqay in gegada Louisville International Airport loogu magac dari doono feeryahankii wayn ee Muslimka ah ee Maxamed Cali.

Magaca rasmiga ihi hadda kaddib wuxuu noqon doonaa: Louisville Muhammad Ali International Airport.

“Muhammad Ali dunidoo dhan baa leh, balse wuxuu lahaa hal magaalo, taasina waa magaaladeenna wayn ee Louisville,” ayuu yiri Duqa Magaalada Greg Fischer oo sheegay in Maxamed uu ahaa nin ay ku dheeraayeen arrimaha samafalka iyo aadminnimada.

Hadalsame Media