Qadar oo Ciidamada Xoogga Somalia ugu deeqday gaadiid gaashaaman + Sawirro

0

(Muqdisho) 17 Jan 2019 – Dowladda Qatar ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday 68 oo ah gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, kuwaasoo lagu wareejiyey Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka iyo saraakiil amaan oo dowladda Qatar ka socdey, kuwaasi oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Munaasad kooban oo lagu qabtay dekadda Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo dhiggooda dowladda Qatar ay ku kala wareegeen gaadiidkan gaashaaman.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo gaadiidkaan ka gudoomay dowladda Qatar ayaa uga mahadcelinayay  taageerada iyo garab istaagga ciidamada dowladda Somalia oo u baahan taageeradaasi.

Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in gadiidkaan la gaarsiin doono ciidamada xooga dalka meel kasta oo ay joogaan, Qatar ayaa iyaduna ballan qaadday inay kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa aad ugu baahan inay helaan agab ciidan si ay sare ugu qaadaan tayadooda farsamo.

Hadalsame Media