SHAAH DAN LEH: Siminaarrada ay xisbiyada mucaaradka Soomaaliya qabtaan

0

(Hadalsame) 17 Jan 2019 – Maalmahan dambe waxaaa soo kordhay barnaamijyo lagu sheegay siminaarro ay dhallinyaro u qabtaan xisiyada diwaan gashan ee dalka ka jira kuwaas oo muran inta badan abuura.

Ma mar iyo laba inta jeer ay dowladda is hortaagtay ama albaabada isugu dhufatay siminaarro ay soo abaabuleen qaar ka mid ah xisbiyada dalka ka jira sida Wadajir iyo xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiga.

Waxaa la xasuustaa maalin kahor mid ay xisbiga Wadajir u qabteen dhallinyaro da’yar oo ay dowladda horistaagtay kaas oo maalin kahor isla sidaas ay Baydhabo uga celisay xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiga. Arrimahan siyaasadda Soomaaliya ku soo kordhay ee aan horay looga baran waxa ay dhaliyeen muran xilli ay mas’uuliyiinta xisbiyada ka cawdeen jujuubka iyo caburinta dowladda.

Dhinaca dowladda wali kama bixin jawaab ku saabsan sababta ay tallaabooyinkaas u qaadeyso walow ay jiraan tuhun ah in ay fulineyso amarro ay hore u bixisay oo diidayey in la qabto kulamo siyaasadeed oo aysan dowladda la socon ama amar looga qaadan.Si walba oo ay ahaataba, waxa ay bulshada is weydiinayaan ciyaartan cusub ee aan waxba ka badalneyn riwaawad ciyaaleedka lagu jilo KARTOONKA caanka ah ee loo yaqaan ‘Tom and Jerry!

Hase yeeshee, markii aan maska tuujiyey oo aan rog rogay arrintan waxaan soo xusuustay sheeko magaaleed caan ah oo aan ku soo koobay waxa uu salka ku hayo SIMINAARRO SIYAASADEEDKAN bilowday dabayaaqadii 2018 lana jaanqaaday 2019!

SHEEKO MAGAALEEDKA CAANKA BAXDAY!Nin dhallinyaro ah ayaa hadda kahor laga hayyaa in uu ku kaftamay ama uga baxday dhaqanno laga yaqaan maqaayadaha ay gabdhaha shaaha ku kariyaan “SHAAH DAN LEH!”

SHAAH DAN LEH?

Makhaayadaha lagu cabo shaaha ee ku teetsan laamiga waa ka caan gayyiga Soomaaliyeed oo badanaa waxaa ka ganacsata hablo/gadho. makhaayadahaas waxaa u soo sheeko iyo shah taga rag isugu jira dhallinyaro iyo rag waayeen! Asxaabtaas soo shaah iyo sheekaba tagta waxaa loo qeybaa laba:

1. Kuwo shaah raadis ah oo aan wax kale u dheereyn.

2. Kuwo shaaha uu ugu hoos duugan yahay haasaawe! Kuwa labaad, ee shaaha ku soo raadsada in ay kula sheekeysteen ama kula haasaawaan xataa haddii aysan shaah cabbid ka haynin, badanaa waa WAAJIB in ay dalbadaan shaaha, is ag dhigaan oo ay koobkaas saacad, laba ama saddex uu horyaal ama ay kabbashada u beekhaamiyaan si joogista makhaayaddu ugu dheeraado!

Shaahaasi waa mid loo bixiyey ”SHAAH DAN LEH!” Haddaba, soow lama oran karo SIMINAARRADA ku cusub siyaasadda Soomaaliyeed, dowladduna ay ka daali weysay is hortaaggooda, xisbiyaduna ka nasan waayeen qabashadooda, waa SIMINAARRO DAN LEH?!! Ama biyo la waayay waysaa lagu doonaa.

Danta siminaarradaas waa xaajo kale oo qofba si ula muuqata, balse waxaa xaqiiq ah in xisbiyada iyo dowladdu iska dhex arkeen biyaha hoostooda oo ay sheekaduba ka gudo ballaaran tahay caburin iyo arrimo kale!

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad

Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay u gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Hadalsame Media.

Hadalsame Media