YAAB! Dalkeedii & dadkeedii ma waxay u dayrisay cunista doofaarka? + Sawirro

0

(Ottawa) 16 Jan 2019 – Gabadhii Sucuudiyaanka ahayd ee ciddeeda iyo ciideediiba ka carartay ee megengelyada istaraatijiyadeed laga siiyey Canada ayaa qaadanaysa wax ay warbaahinta Galbeedku ku sheegtay waqti qaadasho wanaagsan – iyadoo markii ugu horreeysey hilib doofaar ka dalbatay maqaaxida silsiladda ah ee Starbucks.

Rahaf Mohammed, oo iska xoortey magaceedii dambe ee al-Qunun kaddib markii ay qoyskeedu dayriyeen, ayaa todobaadkii tegey soo jiidatey dareenka caalamka, kaddib markii ay isku xirtey hoteel ku yaalla Bangkok.

Waxay gabadhan 18-jirka ayaa sidaa u yeeleeysey inaysan dib ugu noqon dalkeeda iyo qoyskeeda oo ay ku eedeeysay inay nolosheeda halis gelinayaan, taasoo ay qoyskeedu beeniyeen.

Yeelkeede, xornimada gabadhan ayay reer Galbeedku ku sheegeen xorriyad ay ”doofaar ku cunto”.

Hadalsame Media