ARAG FARQIGA: Saxaafadda Kenya oo CASHAR u dhigtay dhiggeeda Soomaalida + Sawirro (Maxaa laga baran karaa?)

0

(Hadalsame) 16 Jan 2019 – Saxaafadda Soomaalida ayaa guud ahaan waxaa ka muuqda kala daadsanaan dhanka farsamada iyo mabda’a ah marka ay wax ka qorayaan wax kasta oo dhaca dal iyo dibedba, waxa ay gudbinayaan, qaabka ay u gudbinayaan iyo cidda ay u gudbinayaan intaba.

Tusaale ahaan, marka ay wax war u qalmaa ka dhacaan gudaha Somalia saxaafaddu waxay u kala baxdaa dhowr nooc, mid wax iska weeraraysa, mid iska difaacaysa, mid baahinaysa waxyaabo aan dan u ahayn dalka iyo dadka iyo guud ahaan moowduucinnimadii iyo saraaxi warrankii oo meesha inta badan ka maqan.

Shalay saxaafadda Kenya waxay cashar lama ilaabaan ah u dhigtay dhiggeeda Soomaalida, waxay yimaadeen goobta iyagoo xog raadinaya, balse xogtoodu waa mid waafaqaysa danta dalka iyo dadka ee mid ka horjeedda maaha.

Waxaa la arkayay weriyayaal caawinaya dadkii dhaawacmay iyo kuwii meesha wax kasoo gaareen, waxay magac bixinta nooca weerarka iyo xitaa halka ay wax marayaan ka sugayeen hay’adaha amaanka ku shaqada leh ee midkoodba dhan inta ula boodey wixii uu doono ma sheegaynin.

Ma jirin muuqaallo iyo sawirro muujinaya waxyaabaha aad usii dilaya niyadda dadwaynaha sida mayd ah, dhaawac googo’an iwm, micnuhuna maaha in aan meesha lagu dhiman ama lagu dhaawacmin ee waa inay jirto istaraatijiyad ka degsan arrintaasi. Ma jirin eed iska jeedda oo aan lagu kabaynin wax caddayn ah sida caadada u ah saxaafadda Soomaalida, balse wax kasta markii lasoo hubiyo ayaa lala beegsanayaa cidda ay khuseeyso.

Guud ahaan, waxaan aragnay saxaafad waddani ah oo u damqanaysa dadkeeda iyo dalkeeda, una duuban inay danahooda ka shaqayso.

Weriyayaal Soomaali ah oo sawir la dhacaya qof dhaawac ah, magaalada Muqdisho
Weriyayaal Kenyan iyo ajnabi ah oo caawinaya qof dhaawac ah, magaalada Nairobi

Hadalsame Media