Saxaafadda Kenya oo iska INDHA TIRTAY tacsida Somalia

0
NAIROBI, KENYA - JANUARY 15: A woman is rescued from the Dusit Hotel on January 15, 2018 in Nairobi, Kenya. A current security operation is underway after terrorists attacked the hotel.

(Nairobi) 16 Jan 2019 – Saxaafadda Kenya ee madaxa bannaan ayaa iska indha tireeysa hiillo iyo tacsi ay u dirtay dowladda Somalia, taasoo toos uga timid Madaxwaynaha Somalia.

Saxaafadda Kenya ayaa inta badan soo qaadatay tacsiga iyo taageerada niyadeed ee Maraykanka, Britain, Shiinaha, Jarmanka, Koonfur Afrika iyo dalal kale.

Dalalkaasi ayaa Kenya uga tacsiyeeynayay weerar la sheegay inay qaadeen 4 dagaalyahan oo laga gaystey dhismayaal ku yaalla 14 Riverside Drive, kuwaasoo uu ku jiro DusitD2 Hotel.

Yeelkeede, Somalia magaceeda laguma xusin webabka iyo warbaahinta waawayn ee dalkaasi Kenya ee tebinaysa dalalka tacsida usoo diray.


Hadalsame Media