“Maxaad walaaleheen ugu laynaysaan Somalia?!” – Adeege ka sheekeeyay su’aal ay waydiiyeen kooxdii weerartay DusitD2 + Sawirro

0

(Nairobi) 16 Jan 2019 – Kabalyeeri ka shaqeeya dusitD2 Hotel oo ku yaalla 14 Riverside Drive oo shalay la weeraray ayaa xog dheeri ah ka bixiyey kooxdii weerarka soo qaadday oo uu sheegay inay hoteelka u yimaadeen iyagoo iska dhigaya macaamiil caadi ah.

Adeegahan oo ka mid ahaa dad badan oo ay badbaadiyeen hay’aadka amniga habeennimadii xalay ayaa sheegay inuu xusuusto mid ka mid ah dagaalyahannada oo uu sheegay inuu daqar ku lahaa gacanta, isagoo intaa ku daray inuu bun ama kafee ka iibiyay laba maalmood weerarka kahor.

“Waxaan aqaanney midkood maxaa yeelay mid baa gacanta astaan dhaawac ku lahaa. Waxay xabadeeyeen 6 ka mid ah shaqaalihii aan howl wadaagta ahayn, 4 ayaa se badbaadey oo 2 ayaa dhimatay.” ayuu mar dhowayd u sheegay Capital FM.

Weeraryahannada oo uu sheegay inuu isagu ka badbaadey ayuu sheegay inay waydiiyeen sababta ay ciidamada Kenya u laynayaan ‘walaalohood’ ku nool Somalia kahor inta aysan xabadda furin.

“Maxaad u dilaysaan walaaleheen ku nool Somalia? Dugsiyadii ayay idinka dhigan la’yihiin,” ayuu mid ka mid ihi na waydiiyey ayuu yiri adeeguhu.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo sidoo kale ay weeraradooda waxyeello kasoo gaarto isla shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha Somalia, gaar ahaan marka ay weeraraan goobaha dadwaynaha.

Sawir ay qabatay kaamirada amaanka oo muujinaya laba ka mid ahaa dagaalyahannada

Hadalsame Media