JUVENTUS VS AC MILAN: Shaxaha & safafka ay fiidkii kusoo geli karaan!

0

(Jiddah) 16 Jan 2019 – Waxaa caawa gegada Boqor Cabdullaahi ee magaalada Jiddah ku ballansan labada camaaliqo ee reer Talyaani ee Juventus vs AC Milan oo dheelaya koobka Italian Super Cup oo ay min 7 jeer qaadeen.

Dhanka Juve: Laba arrimood ayuu shaki uga jiraa Allegri. Waa weerarka seddexleeyda ah oo uu Douglas Costa ka yara horreeyo Bernardeschi, halka khadka dhexe Bentancur iyo Khedira ay boos ku dagaallamayaan. Cancelo ayaa safka hore kasoo muuqan kara bilowgiiba.

Dhanka Milan: Higuain ayaa yara hargabsan shaki dhanka fayaqabka ah ayaana ku jira, kaasoo ka duwan midka dhanka suuqa: Waxaa sidaa ku diyaar ah muluqa Cutrone. Gattuso ayaa weli ku dheggan shaxda 4-3-3. Waxaa markii 2-aad safanaya laacibka cusub ee Paquetà oo ku baasay tijaabadii Genoa. Daafaca waxaa kaydsan Conti iyo Abate waxaana safanaya Calabria dhanka dadabka midig.

KAYDKA LABADA KOOXOOD

  • 22 PERIN, 21 PINSOGLIO, 32 DEL FAVERO, 2 DE SCIGLIO, 24 RUGANI, 37 SPINAZZOLA, 6 KHEDIRA, 23 EMRE CAN, 18 KEAN, 33 BERNARDESCHI
  • 25 REINA, 90 A. DONNARUMMA, 22 MUSACCHIO, 20 ABATE, 23 STRINIC, 12 CONTI, 93 LAXALT, 16 BERTOLACCI, 4 MAURI, 18 MONTOLIVO, 11 BORINI, 63 CUTRONE

GANAAXAN

  • Suso

AAN LA HELI KARIN

  • Barzagli, Cuadrado, Benatia, Mandzukic
  • Caldara, Bonaventura, Biglia

Hadalsame Media