Juventus & AC Milan oo isu diyaarinaya ciyaarta & inta jeer ee ay koobkan qaadeen (Sawirradii ugu dambeeyay)

0

(Jiddah) 16 Jan 2019 – Waxaa caawa gegada Boqor Cabdullaahi ee magaalada Jiddah ku ballansan labada camaaliqo ee reer Talyaani ee Juventus vs AC Milan oo dheelaya koobka Italian Super Cup oo ay min 7 jeer qaadeen.

Kooxda Juventus ayaa koobkan laga qaaday 5 jeer oo ay ku jiraan labadii dufcadood ee ugu dambeeyay oo ay middood Milan ka qaadday, halka Milan 3 jeer laga qaaday.

Labada kooxood ayaa sameeyay is diyaarintii ugu dambaysay kahor ciyaarta oo caawa fiidkii dhanka Yurub ku qabsoomaysa magaalada Jiddah ee dalkaasi Sucuudiga.


Hadalsame Media