DAAWO: Xil. Dalxa oo ka hadlay in Bankiga Dhexe shisheeye loo dhiibayo, madax banaanida dalka, taageeradii ay dadka qaar Haysom u muujiyeen & arrimo kale

0

(Muqdisho) 13 Jan 2019 – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamanka Somalia ayaa ka hadlay arrin beryahan dood dhalisay oo ku saabsan in Maareeyaha Guud ee Bankiga Dhexe laga dhigo qof shisheeye ah, kaasoo la sheegay in la bedelayo sharci diidaya oo horay u jirey.

”Sharcigaasi weli waa noo rahman yahay oo wuxuu hor yaallaa Baarlamanka” ayuu yiri xildhibaan Dalxa oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyay jiritaanka arrintaasi.

Prof Dalxa ayaa mar la waydiiyay sababta uu qof shisheeye ihi ku qabanayo xilkaasi si maad leh uga jawaabey, isagoo tilmaamay inay Soomaalidu jeceshahay inay dhalashooyin shisheeye qaadato, balse aysan shisheeye waxba uga ogoleeyn dalkeeda.

Prof Dalxa ayaa sidoo kale ka hadlay in Somalia ay qayb ahaan tahay dal aan si buuxda xor u ahayn, maadaama aysan lahayn ciidamadii ilaalin lahaa madax banaanideeda gayi bad iyo berriba.

Dalxa ayaa sidoo kale aad u dhaliilay dhaqanka dad Soomaaliyeed oo beri dhowayd taageero kal iyo laab ah u muujinayay Nicholas Haysom oo Somalia ku eedaysay inuu farageliyay arrimaha gudaha dalka, iyagoo kala garan waayay mucaaradnimadooda gaarka ah iyo danta guud ee qaranka.

Dalxa ayaa sidoo kale dowladda u jeediyay inay wax ka qabato xaaladda Gobolka Shabeellaha Hoose oo uu sheegay inuu aad u dayacan yahay oo aanu helin horumarin u dhiganta wax soo saarkiisa.

Hoos ka dhegeyso waraysi uu siiyay Dalsan TV

Muuqaalka: Dalsan TV

Hadalsame Media