FALANQAYN: Wasaaradda Kalluumaysiga oo jawaab su’aalo hor leh dhalisay ka bixisay heshiiska Shiinaha (Daawo)

0

(Muqdisho) 13 Jan 2019 – Wasiirkaa Kalluumaysiga Somalia Md Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ka jawaabey arrin uu webka Hadalsame beryahan aad isha ugu hayey oo ah heshiis la sheegay in lala galay Shiinaha oo lagu siiyay rukhsad kalluumaysi.

Md Warsame ayaa sheegay inay bixiyeen rukhsad khuseeysa kalluumaysiga nooc ka mid ah kalluunka loogu jecel yahay badeenna oo ah Tuunnaha, wuxuu kaloo sheegay in tuunnahaasi uu nalaka dhexeeyo dalal kale, kuwaasoo uu sheegay inay ku wada jiraan urur la yiraahdo OITC.

Wuxuu Wasiirku tibaaxay in ay Shiinaha kula heshiiyeen inaysan Shiinuhu adeegsan karin maraakiibta waawayn iyo kuwa heer dhexaadka ah ee kalluunka xaalufiya, balse ay jillaabanayaan oo qura kalluunka Tuunnada.

Mar la waydiiyay cidda la soconeeysa waxa uu Shiinuhu ka qabsanayo labada badood ee Somalia, wuxuu sheegay in ay jiraan sida uu yiri koox ku sugan Wasaaradda Kalluumaysiga oo la socda baddaas qarada wayn ee aan lahayn ciidan badeed oo ilaaliya.

SU’AALAHA KA DHASHAY JAWAABTA WASIIRKA:

1 – Shiinaha oo ay qadyaan ka joogaan dalal Somalia ka ciidan iyo cudud wayn oo aan weliba heshiis rukhsad midna siinin, inuu inta Somalia oo aan cid ilaalinaysa lahayn TUUNNO yar oo qura markab yar ku qaato iska laabanayo dad badan ayaa liqi waayay, xitaa haddii aanay DF ujeeddo ahaan u dan lahayn inay wax baylihiso.

2 – Kalluunku waa sida shimbiraha, xayawaannada, biyaha iwm oo kale, wixii baddeena inta ka tillaaba bad kale gala annagu ma lihin, sidoo kale kalluunkii bad kale ka yimaada ee tan maxalliga ah ee annaga noo go’an soo gala waa xooleheenna, sidaa darteed micne samayn mayso dalal baa kalluun nala leh oo urur baannu iskula jirnaa.

3 – Nooca maraakiibta kalluumaysi, xaddiga uu badda ka wado iyo guud ahaanba qaabka uu u wajahayo ayaa qol yar oo Wasaaradda Kalluumaysiga lagala soconayaa iyaduna waxay u egtahay arrin aan maangal ahayn, waayo haddiiba ay sidaa u sahlan tahay in bad la ilaaliyo dalalku ciidamo badeed (Navy) iyo xeeb jireyaal (Coast Guard) ma samaysteene qolalkaa yar yar bay dhisan lahaayeen.

Waxaa intaa dheer in sharikaadka la siiyay rukhsaddu ay yihiin wax faraha ka batay oo ilaa sodomeeyo ka badan sida la sheegay.

Gebagebadii, waxaa wanaagsan inay asxan DF Somalia ay shirkad gaar ah ijaarato oo ay kula heshiiso inay kalluunka usoo dabto una iib gayso oo ay kaddib siiso boqolleey ugu badnaan 25% ah, halkii dalkeenna lagu fasixi lahaa dal 2 bilyan ah oo aanay jirin cudud, cilmi iyo caqli aannu kula xaali karno waqti xaadirkan, ama aannu calooshiisa ballaaran ku buuxin karno.

Muuqaalka: Goobjoog TV

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media