Wax ka ogow kulanka xasaasiga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya maanta yeelanayo

0

(Muqdisho) 14 Jan 2019 – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah waxaa ay ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho kaasoo la filayo in looga hadlo sharciyo muhiim u ah dalka.

Ajandaha kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa lagu sheegay u codeynta sharciga hanti dhowrka guud iyo sidoo kale xeerka maamuka Bangiga Dhexe waxaana la filayaa in Baarlamaanku dood adag ka yeesho sharciyadaan.

Waxyaabaha xasaasiga ka dhigaya fadhiga Baarlamaanka waxaa ka mid ah iyadoo la hadal hayo in ruux Ajanabi ah laga dhigi doono guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Ammaaka wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay.

Hadalsame Media