Baro 6 qaybood oo jirkaaga ka mid ah balse aan wax kuu qaban! (Qaybtii 5-aad)

0

(Hadalsame) 13 Jan 2019 – Waxaa jira xubno ka mid ah kuwa jirkaaga oo aan wax shaqo ah u qaban jirka insaanka (vestigial organs), kuwaasoo caadiyan cabbir ahaan ka yar kuwa kale.

Xubnahan shaqo la’aanta ah ee aysan jirin wax ay ku tooran yihiin marka wax laga eego dhanka qaab dhismeedka jirka iyo shaqada xubnihiisa ayaaba mararka qaar dhib keeni kara gaar ahaan haddii ay jiradaan iyadoo aysan jirin dheef lagu qabo, sida ay qabaan culimada caafimaadku, waloow ay u badan tahay inay jiraan wax aynaan ogayn oo uu ALLE ogyahay.

XUBNAHAA/QAYBAHAASI WAXAY KALA YIHIIN:

  1. Raaraca hoose ee mindhicirka (Appendix)
  2. Goows Caqliyeedka (Wisdom Teeth)
  3. Timaha jirka ama Body hair (Arrector Pili)
  4. Daba qanaanta ama Tailbone (Coccyx)
  5. Ibta naasaha labka (Male nipples)
  6. Meesha guduudan ee gasha isha ee ku taalla laba gees ee isha ama Third eyelid (Plica semilunaris).

Iminka bal aanu mid mid u dul istaagno si aannu iskugu dayno in aannu si faahfaahsan u aragno waxa ay qabtaan, haddiiba ay jiraan inay wax ku tooran yihiin.

5. Ibta naasaha ragga

Waa arrin ay doodi ka joogtey muddo haatan sanado ah, waxaana laga hortegey nooc kasta oo muran ah oo la jira ama ka jira, mid baa xitaa ku dooday inay ugu wacan tahay inuu ”raggu kasoo jeedo haweenka”. Taasina dabcan run ma aha, balse qofkii doonaya inuu ogaado sababta ka dambaysa ibta naaska ragga waa inuu dib ugu laabtaa xilliga uur jiifka. Ragga iyo haweenkuba waxay leeyihiin ibtaasi, maxaa wacay marxaladaha hore ee samaysanka, ilmaha uurka ku samaysmayaa marka hore ma laha jinsi, sidaa darteed ayuu midkoodba u leeyahay ibta naasaha rag iyo haweenba sida ay qabaan culumada caafimaadka iyo xubnaha jirka insaanku. Waxaa xitaa jira bay leeyihiin kiisas yar oo ay caano keeneen naasaha raggu iyo kiisas dhowr ah oo uu ku dhaco kansarka naasuhu, balse caadiyan sida la ogyahay, inta badan ibta naaska raggu waxba kuma toorna inta uu nool yahay.

La soco qaybtii 6-aad…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media