SPURS VS MAN UTD: Shaxda & safafka ay galabta kusoo geli karaan

0

(London) 13 Jan 2019 – Kaddib 5 kulan oo guulo xiriira ah, Ole Gunnar Solskjaer iyo kooxiisa Manchester United ayaa maraya imtixaankii ugu waynaa tan iyo cayrintii Mourinho, marka ay galabta booqdaan Wembley oo ay kula ballansan yihiin kooxda Tottenham Hotspur.

Yeelkeede, kooxda Spurs iyo macallin Mauricio Pochettino ayaa weli lagu sheegi karaa kuwa cad cad, kulankan iyo weliba kursiga United oo uu u sharraxan yahay, waxayna ku dadaadi doonaan si kasta oo dhulka ku dhigi karaan United si ay horyaalka ugu qabsadaan Liverpool iyo Manchester City.

SHAXDA LAGA YAABO EE LABADA KOOXOOD:

Tottenham
Lloris; Trippier, Sanchez, Alderweireld, Rose; Sissoko, Winks, Alli, Eriksen; Son, Kane

Man Utd
De Gea; Young, Lindelof, Jones, Shaw; Herrera, Matic; Lingard, Pogba, Martial; Rashford

Hadalsame Media