Kenya oo kalluun badan u baahatay & Shiinaha oo ku qarqiyay mid uu Somalia kasoo dabay!

0

(Nairobi) 13 Jan 2019 – Waaxda Kaydka Qaranka ayaa difaacdey kalluunka laga keenayo Shiinaha ee lagu cuno gudaha dalka Kenya, iyadoo ku doodday in Kenya ayasan soo saari karin kalluun kaafin kara baahideeda.

Waaxda ayaa warkan kusoo dartay siyaasadda la xiriirta miisaaniyaddeeda qabyada ah ee 2019, waxayna ka jawaabaysay walaac maxalli ah oo ku salaysan in kalluunka laga soo dhoofinayo Shiinuhu uu dilayo suuqa maxalliga ah ee ganacsatada Kenya, oo ay aad uga qiime jaban yihiin.

“Wax soo saarka guduhu waa 135,100 mitrik tan, mana buuxin karo baahida jirta oo u baahan qiyaastii 500,000 mitrik tan, waxaa dheer in Kenya ay dibedda u dhoofiso kalluunka birimada ah, iyadoo soo dhoofsata kalluun rakhiis ah si loo qanciyo baahida gudaha,” ayay tiri Waaxda Kaydka Qaranku.

Somalia oo ka mid ah dalalka dunida ugu badwayn ayaa garabka ku haysa Kenya, waxayna nasiib darro shatiyo u gooysaa dalal kale oo uu Shiinaha – dalalka sharci darrada uga kalluumaysta Somalia – uu dhowaan kusoo biiray halkii ay iyadu ka faa’iidaysan lahayd suuqyada sii ballaaranaya ee kalluunka caalamka oo ay ku jiraan Kenya oo aan bad quman lahayn iyo Itoobiya oo bad xiran ah.

Hadalsame Media