DAAWO: Dayuuradaha Yuhuudda oo xalay weeraray garoonka Dimishiq & gantaalo badan oo laga ”qabtay”

0

(Dimishiq) 12 Jan 2019 – Ciidamada daafaca cirka Suuriya ayaa iyagoo taageeranaya hannaanka gaashaanka cirka waxay qabteen “dhowr gantaal cadow,” oo sida ay sheegeen kaga yimid dhanka Yuhuudda oo lagu bartilmaameedsanayay garoonka caalamiga ah ee Dimishq.

Warbaahinta maxalliga ayaa sheegtay in waxyeellada la xadidey, waloow ay wax soo gaareen hooso u dhow gegada caalamiga ah ee Damascus International Airport oo ay duqeeyeen dayuuradaha Yuhuuddu.

Ilo ciidan ayaa u sheegay wakaaladda wararka SANA, in ay dayuuradahaasi “dhowr gantaal kasoo ganeen” jiho ku beegan woqooyiga dhulka iminka loo yaqaanno Israel. Hannaanka daafaca cirka ayaa markiiba la shaqa geliyey si ay u baabi’iyaan wax ay ku sheegeen “bartilmaameedyada cadowga,” waxayna hawada ku qabteen “inta badan” gantaalahaasi, si ay ciidamadu sheegeen. Waloow ay sheegeen in khasaaraha “la xadidey,” wax wacaal ah oo mucayin ah oo dheeraad ah kama bixin sida ay wax u dheceen.

Suuriya ayaa iminka ku hubaysan gantaalaha S-300 ee casriga ah oo ay beri dhowayd ka heleen Ruushka.

Hadalsame Media