”Geeridii walaalkay ayaan tegi waayay, anigoo xabsi ku xanuunsanaya hal kaniini ayaa la ii diidey!” – Nimco Qorane oo dirtay farriin dareen leh!

0

(Hadalsame) 12 Jan 2019 – Walaalkay geeridiisii ayaa aan tagi kari waayay Hargeysa. Aabbahay oo xanuusan ayaa aan idhi wixii dhacayaa ha dhacaane tag! Markii aan tagay ayaa aan 4 bilood oo xabsiya lay diray, waliba sida ugu xun ee qof loola dhaqmo ayaa layla soo dhaqmay. Xuquuq kale oo lay siiyaa hayga joogta e, aniga oo xabsiga ku dhex xanuusan ayaa lay diiday hal xabbo oo kaniin xanuun baabiiye ah.!!!!

Aniga oo dulmane ah ayaa layga dhigay dambiile qaran oo laygu yidhi “Qaran dumis ayaa aad tahay!!” Saddex sanno inta laygu xukumay ayaa haddana la yidhi waa aannu ku cafinnee magaalada ka bax, inta aad joogtidna ma hadli kartid!!!! Muwaadin ayaa dalkiisa laga saarayaa sidii Tahriibe Sucuudi jooga!!!

Taliska Muuse dawladnimada ba waxa uu u haystaa in dadka lagu cabudhiyo!!! Malahayga xisaabtaba kumay darin, dadka aad maanta ku tacadiyeysaan berrito in ay iyagu talada dalkan qaban doonaan!!!

*Hadday dawladnimaduba
*Tahay dacaddi joogiyo
*Anigaa dirays qaba
*Taliskii dorraad jiray
*Horta maxaad u dumiseen??

Aabbo ayaa aad u xanuusan ayaamahan. Aabbo Eebbe Weyne haku caafiyo isaga ayaa awood lehe.

Qore: Hal-abuur Nimco Qorane

Hadalsame Media