Wax ka ogow sababta uu maanta u baaqday kulankii Baarlamaanka Soomaaliya

0

(Muqdisho) 12 Jan 2019 – Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu waday inay fadhi ku yeesho Magaalada Muqdisho ayaa kulankoodii baaqday waxaana soo baxayo faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan sababta keentay baaqashada kulankii maanta.

Ajendaha looga hadli lahaa kulanka Golaha Shacabka ee maanta ayaa la sheegay inuu ahaa u codeynta wax ka badelka sharciga Hanti dhowrka Qaranka iyo Xeer Maamulka Bankiga dhexe.

Qodobka ku saabsan wax ka bedelka xeerka maamulka Banggiga Dhexe ayaa ahaa hadal heynta ugu badan, iyadoona qaar ka mid ah xildhibaanada sida Xildhibaan Mahad Salaad ay sheegeen in ruux Ajanibi ah la doonayo in loo sharicyeeyo inuu maamule sare ka noqdo Bandhiga Dhexe.

Yeelkeede Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay in uu baaqday Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka waxaana sababta baaqashada lagu sheegay in xildhibaano badan ay dalka ka maqan yihiin.

Hadalsame Media