Jaamacadda Umadda oo soo saartay dufcaddii ugu horreeysey + Sawirro

0

(Muqdisho) 11 Jan 2019 – Jaamacadda Ummadda waxaa ay koldhow isku diyaarineysaa in ay soo saarto dufcaddii ugu horeysay ee jaamacadda baxa kaddib dib u howlgalintii Jaamacadda kuwaas oo sigaara u bartay Culuumta Dhaqaalaha.

Afartii sano ee u danbeysay ayey kamid ahaayeen ardayda Jaamacadda waana qeybtii ugu horeysay Dhaqaalaha ka bilowda Jaamacadda.

Waa 25 tiradoodu 10 kamid ahna waa ganbdho, hadda waxaa ay isku diyaarinayaan Buug difaacasho.

Admiral Axmed Faarax Qare waa barre hore ee Jaamacadda Ummadda waxaana uu Jaamacadda Ummadda ka baxay 40 sano kahor balse halkan waxaaa uu u joogaa hadda sidii wadooyin hormarka tilmaamaya ugu sheegi lahaa ardaydan.

“Waxaan aad ugu faraxnahay in aan arko Jaamacaddii Ummadda oo mar kale shaqeyneysa taas oo waliba mardhow soo saari doonta Dufcaddii ugu horeysay ee Jaamacadda kabaxa”.

Muhiimadooda ugu weyn ee dhanka Waxbarashadda ayey koldhow rajeynayaan inay gaaraan.

Madaxa Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jamaacadda Ummadda Prof Xasan Cismaan Gacal ayaa sheegay in muddo badan laga soo shaqeyneyey sidii ardaydan lasoo saari lahaaa.

“Mardhow ayey ardaydan isku diyaarinayaan inay Jaamacadda Jamacaan waxaana hadda ay marayaan qeybihii ugu danbeeyey ee loogu tallo galay daraasaadkooda”.

Jaaamacadda Ummadda ayaa dib loo howlgaliyey August 16, 2014 Afar sonno ka hor waxaana markaas lagu bilaabay hal qeyb oo kali inkastoo hadda Jaamacaddu aad loo balaariyey dibna ula wareegtay xarumo waaweyn oo jaamacaddu laheyd waxaana kamid xarunta Gaheyr.

W/D: Ali Ahmed Sheekh